TOP NEWS:- Ku dhowaad 100 Kenyaan ah oo lagu xir-xiray magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo

0
In ka badan 80 ruux oo u dhashay dalka Kenya, ayaa waxaa siyaabooyin kala gedisan loogu xir xiray Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.
Dadka la xir xiray, ayaa waxaa u badan ganacsato, waxaase ku jira tiro la sheegay inay yihiin macalimiin reer Kenya ah, oo muddooyinkii ugu dambeysay hawlo shaqo u joogay Degmada Beled Xaawo.
Tallaabada lagu xiray dadka u dhashay dalka Kenya, ayaa waxay ka dambeysay markii Ciidamada Kenya, ay dad badan oo ganacsato iyo xoolo dhaqato Soomaali ahba isugu jira, ay ka qab qabteen deegaanada dhaca xadka kala qaybiya dalalka Somaliya iyo Kenya.
Maamulka Degmada Beled Xaawo, ayaa Maamulka Degmada Mandheera weydiistay in dadka ku xiran Beled Xaawo, ay ku bedeshaan dadka kale ee lagu xir xiray xadka labada dal.
Labada Maamul, ayaa waxaa la soo sheegayaa in wada hadalo ay u soconayaan, isla-markaana ay ka wada shaqeynayaan sidii oodda looga qaadi lahaa dadka xir xiran.
Maamulka Degmada Beled Xaawo, ayaa waxaa la soo sheegayaa in sharuudo adag uu hordhigi doono Maamulka Degmada Mandheera, si aan loogu deg degin xariga loo geysanaayo shacbiga Somaliyeed.