Top News:- Saddex nin oo lagu eedeeyay masuq maasuq oo lagu arkay Golaha Wasiirada cusub.

0

Saddex ka mid ah Golaha Wasiirada cusub ee habeenkii xalay ahaa looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay noqdeen kuwo horey loogu soo jeediyay inay geysteen masuq maasuq.

Xubnahaan, ayaa waxay kala yihiin C/raxmaan Yuusuf Cali (Caynte), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo C/salaan Hadliye Cumar, oo ka mid noqday ragga uu Ra’iisal Wasaaruhu sheegay inuu ku soo xushay karti iyo aqoon.

C/salaan Hadliye Cumar, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo Fahad Yaasiin Xaji Dahir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda, halka C/raxman Yusuf Cali loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga.

Guddiga Dabagalka Xayiraadaha Hubka Somaliya iyo Eritrea (Monitoring Group), ayaa waxay Fahad iyo Caynte ay ku eedeeyeen inay Magaalada Doha ee Wadanka Qatar ka soo qaadeen lacagtii lagu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (September 10, 2012).

Madaxweynaha waxaa la tilmaamaa in ugu yaraan uu ku soo baxay shan milyan oo dollarka Mareykanka ah, waxaana lagu sheegay masuq maasuqii ugu ballaarnaa oo lagu bixiyo tartanka doorashada Madaxtinimada Somaliya, inta ay taariikhdu xuseyso.

Hadliye oo isaguna soo noqday Gudoomiyihii Bankiga Dhexe Somaliya, ayaa waxaa lagu eedeeyay in lacago badan lagala baxay Bankiga, mudadii uu Xafiiska Shaqada joogay. Monitoring Group waxay sheegtay in lacagahaasi aan la aqoon halka ay ku baxeen.

Hadliye oo si kulul xilligaa u beeniyay, ayaa wuxuuba ku dhawaaqay in xilkaasi uu iska casilay, daba yaaqadii bishii September ee sanakii 2013-ka. Tani waxay caqabad ku noqon kartaa saaxadiisa siyaasadeed ee cusub.

Caalamku weli sooma dhaween Golaha Wasiirada cusub, oo maalmaha ina soo aadan lagu wado in la horgeeyo Golaha Shacabka, si codka kalsoonida loogu weydiiyo Baarlamaanka Somaliya.