WAR DEG DEG AH:- Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ku Dagaalamay Degmada Afgooye.

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi iska hor imaad uu ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Ciidamadaan dagaalamay ayaa ka kala tirsan Booliiska iyo kuwa Milatariga ah, waxaana ay ku dagaalameen Bar-koontarool oo ku taalla halka degmadaasi.

Qof ku sugan degmada Afgooye ayaa soo sheegay in isku dhacaasi uu ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, inkastoo illaa iyo hadda aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay iyo waxa Labada ciidan ay isku qabteen.

Maamulka Degmada Afgooye oo aynu xiriir la sameenay si aynu wax uga ogaano iska hor imaadkaan, ayaa sheegay in dib ay saxaafadda faah faahin guud ka siin doonaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.