War Deg Deg Ah: Tiliyihi Hore Ee CXDS S/Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini Oo Noqonaya Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Amniga Ama Gaashaandhiga

0

Wararka naga soo gaaraya iminka Xarunta Villa Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in Sareeye Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini loo magacaabayo caawa Wasiirka Amniga ama Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Taliyihi Hore ee Ciidamada Xooga Dalka S/Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini in uu caawa ku jiro liiska Golaha Wasiirada Cusub ee R/wasare Cumar Cabdirashiid uu saacadaha soo socda ku dhawaaqayo.

 
S/Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa waxaa lagu xasuustaa tan iyo markii uu qabtay Xilkaas inuu waxbadan ka badalay qaab dhismeedka Ciidamada Xooga Dalka iyo Amniga dalka,sidoo kalena dib xoreynta dhamaan gobolada dalka ee lagala wareegay Ururka Xagjirka ah ee Al Shabaab.

Warkan Waxii Ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud Media..