War Deg Deg Ah+Sawirro:Madaxwenye Racep Tayyip Erdogan Iyo Wafdiigiisi Oo Hadda Ka Dhoofay Magaalada Muqdisho.

0

Wafdigii Balaarnaa ee uu hogaamiyanayay Madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan iyo Mrwadiisa ayaa iminka waxa ay si nabad ah uga dhoofeen magaaalada Muqdisho.

Wafdiga uu horkacayay Madaxweyne Racep Tayyip Erdogan ayaa maanta waxa ay booqday si uu xariga uga jaro goobo kala duwan oo ku yaal magaalada Muqdisho oo ay ka socdeen mahsaariic hormarineed.

Dhinaca kale Madaxweyne Racep Tayyip Erdogan  ayaa ummada Soomaaliyeed u balan qaaday laba arimood oo muhiim ah oo ka ah

1. Mudo laba sano gudaheeda ah in 20.000 labatan kun oo guri oo loogu tala galay danyarta Soomaalida in uu Turkiga dhisi doono, Guryahaas oo ah kuwa casriya.

2. Waxaa Soomaaliya laga furi doonaa mudo dhow shirkado waaweyn oo wax soosaarka kasoo baxaa Caalamka loogu iibgeendoono iyadoo islamarkaasna ay shaqooyin ka helidoonaan kumanaan Soomaaliya oo dalkana looga saarayo gaajada iyo jahliga.

Isku soo wada duuboo Wafdigan balaaran ee uu hogaaminayay madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan iyo Marwadiisa ayaa iminka ka dhoofay garoonka Aden Cade International ee magaalada Muqdisho.

gan

day day1 day2