Warbixin dheer oo ku saabsan booqashada Madaxweynaha dalka Turkiga ee maanta

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si rasmi ah xariga uga jaray isbitaalka digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ka mid ah goobaha ay dowladda Turkiga dhistay, isla markaana qalabeyn casri ah ku sameysay.

Madaxweyne Erdugan ayaa sheegay in mashaariicda Turkiga ugu talagalay ay tahay mid bilow ah isla markaana ay sii socodoonto.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaad ee dalka Turkiga oo qeyb ka ahaa wefdiga Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Isbitaalo kale ay dib u dhis ku sameyn doonaan taas oo qeyb ka ah mashaariicda dib u dhiska ah ee dalka Turkiga uu ku caawinayo dalka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay wehliyaan wafdi heer sare ah ayaa gaaray isbtiaalka Digfeer ee degmada Hodan, taas oo hadda loogu magac daray Madaxweynaha dalka Turkiga Receo Tayyip Erdogan,waxaana ay ku soo wareegeen qeybaha uu ka koobanyahay isbitaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay isbitaalka digfeer loogu adeegi bulshada Soomaaliyeed, isagoo dhigiisa Turkiga uga mahadceliyay dhismaha iyo qalabeynta isbitaalka Digfeer, isla markaana ay bushada Soomaaliyeed ay kaga maarmi doonaan inay caafimaad dalka dibadiisa u doontaan.