Warqad ku socota Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheeq Maxamuud.

0

Asc Wr Wb, Mudane Madaxweyne maalintii 21 Janaayo 2015, oo ahey Maalinta Warfaafinta, xaflad lagu qabtey Muqdisho oo aad ka qeybgashey waxaan arkaayay adigo ka hadlaayaa muhiimada ay leedahay luuqada Soomaaliga in lagu hadlo oo wax lagu qoro. Markii ugu dambeysey qudbadaadii waxaad amartey in wasaaradaha iyo xafiisyada kala ee dowlada in waxaan aheyn luuqada soomaaliga wax looga qori Karin.

Mudane madaxweyne waxaan rabaa inaan ku xasuusiyo inaan ku aragney adigoo safaro badan oo arimaha dowladeena ku saabsan inaad aadey markastana waxaa ku hadashaa af ingiriiska sida luuqadeena iney tahay af ingiriis. Tusaale ahaan maalintii aad tagtey Ingriiska sida dhaqaalo loogu aruuriyo Soomaaliya fadhigii qudbooyinka laga jeedinaayey waxaad ku hadleysey af ingriis, Chatham House markii aad ka hadleysey waxaad ku hadashey af ingiriis, markuu yimid Ban Ki Moon Muqdisho waxaad kuligiin ku hadleeyseen af ingiriis.

Maalimihii hore waxaa laguu sameyn kare cudurdaar oo waxaa la dhihi kare sharci quseeya luuqada af Soomaaliga majirin ayadoo curdaarkaas laguu sameeynaayo uu yahay mid xumbo cuskanaya laakiin waxaa cudurdaar laguu sameyn karin markii aad marti sharaf kuu timid oo ayaka luuqadooda ku hadlaayaan adigana aad ka doorbidey inaad luuqadeena hodanka ah aad ku hadasho oo af Ingiriis ku hadashey sida inaad dibad ku soo kortey ama luuqadaa koowaad uu yahay af Ingiriis, maalintaan ka hadlaayana waa markuu madaxweeynaha Turkishka kuugu yimid madaxtooyada oo qudbada ka jeedineyseen.

Mudane Madaxweeyne hadii adigoo ah masuulkii wadanka ugu sareeye aad ka faaneyso luuqadeena maxaan dareenaa anagoo dibadaha kusoo korney oo isku deyeeyna inaana barano luuqadeena?

Dhaqankaaga muu na dhiira gilinaayaa anaga iyo dadka kale oo Soomaali u dhalan laakiin raba iney bartaan luuqadeena? 

Talo aan kusiiye wixii dhacay wey dhaceen ee hada ka dib meeshey rabtaba ha ahaato ee luuqadeena ku faan sidii aad umadaha kale ugu soo jiidid eyna u noqoto luuqad la maamuuso oo loo arko ilbaxnimo iyo horumar.

Waad mahadsantahay

Qoraa Mahad Farah
mahadfarah365@gmail.com