Wasiir Beyle “Booqashada Madaxweynaha Turkiga waxa ay noo tahay mid taariikhi ah”.

0

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga uu yahay mid taariikhi ah, waxaana uu intaa ku daray in dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ay farxad weyn u tahay booqashada marka labaad ee uu dalka u imaanayo Mudane Recep Tayyip Erdoğan Madaxweynaha DalkaTurkiga.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka isaga oo ku sugan garoonka Aadan Cadde ayaa xusay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu furayo Terminal-ka cusub ee ay ka dhiseen garoonka Aadan Cadde iyo isbitaalka Digfeer oo dib u dhis iyo qalabeyn lagu sameeyay.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay ay kala saxiixan doonaan mashaariic kale oo horumarineed oo ah wajiga labaad mashaariic wax loogu qabanayo bulshada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dib u dhiska dalka.

“Aniga aad baan ugu faraxsanahay booqashada marka labaad ee uu dalku ku imaanayo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan runtii Terminal-ka cusub ee ay noo dhiseen waa mid casri ah, sidoo kale isbitaalka digfeer qalab casri ah ayay keeneen oo aan kaga maarmi karno in caafimaad dalka dibadiisa loo aado” ayuu yiri Wasiir Beyle.