Xildhibaanadii Hore Iyo Qaar Ka Mid Ah Odayaasha Dhaqanka oo Mudanayaasha Baarlamaanka Ka Codsaday Iney Ansixiyaan Xukuumada Cusub(Sawirro)

0

Xildhibaandii Hore ee Baarlamaanka, Odayaal dhaqameedyo, Siyaasiyiin iyo Xubno ka socday bulashada rayidka ah ayaa saaka kulan isigu yimid ay ku taageerayeen xukuumada cusub ee uu soo magacaabay Raysal Wasaare Cumar Cabdirashid, iguna dalbanayeen xildhibaanada baarlamaanka iney  siiyaan codka kalsoonida.

Kulankaan oo quraac ahaa ayaa waxaa laga soo jeediyey talooyin ku aadan qaabka loo soodhisay xukuumadda cusub, waxyaalaha laga sugayo, iyo waqtiga oo gabaabsi ah daraadeed ineysan munaasab ahayn in baarlamaanku hor istaago ansixinteeda,

Xubno ka tirsan xildhibaanadii hore oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay iney nasiib daro tahay in maanta oo Soomaaliya  caalamku u hanweyn yahay soona muuqato rajo farxad galinaysa shacabka Soomaaliyeed in Isbaaro loo dhigto danta qaranka, is hortaagna lagu sameeyo wax kasta oo wanaagsan oo la soo dhiso, iyadoo cudur daar looga dhigayo anaga nalagama tashan.

“Raysal wasaaruhu wuxuu tixigalin siiyey dalabaadkii xildhibaanada, oo u muuqday mid qaldan, kadib markii ay yiraahdeen rag ka tirsan wasiirada soo noqon mayaan, kuwaas oo xuquuq dastuuri ah u leh in dib loo soo magacaabo, raalina ka yihiin beelihii ay ka soo jeedeen. Waxaa ayaan daro ah in maanta la aqbalay dalabkoodii ay sii wadaan carqaladaynta danta qaranka, iyo is hortaaga ay ku samaynayaan aqoon yahano Soomaaliyeed oo ku haboon xilka loo magacaabay” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanadii hore.

Ugaasyada ka hadlay madasha ayaa ku dheeraday muhiimada ay leedahay in xildhibaanadu ku dhaqmaan rabitaanka shacabka iyo talooyinka odayaashii soo xulay, maanta mustaqbalkii dalka gacmahooda ku jiro, dadka Soomaaliyeedna ay eegayaan sida ay u maareeyaan mushkiladaha siyaasadeed ee hada taagan

“Waxaan ka mid ahaa odayaashii 135 ahaa ee soo xulay xubnaha baarlamaanka, waxaana nasiib daro ah ineysan dheg jalaq u siinaynin soo jeedinteena, tan shacabka iyo mida beesha caalamka. Waxaan uga baaqaynaa madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheikh Axmed inuu qaato talaabo dastuuri ah oo uu ku kala dirayo xildhibaanada baarlamaanka, anagoo ah odayaashii soo xulay waxaan diyaar u nahay inaan ku garab istaagno talaabadaas, hadii ay ka baaqsan waayaan xildhibaanadu hanjabaada ka soo yeeraysa oo ah iney hor istaagayaan xukuumadda cusub” ayuu yiri Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan

Kulanka Xildhinbaanadii hore iyo odayaasha dhaqanka ayaa imaanayaa kadib markii shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u muujiyeen taageero xukuumadda cusub, isla markaana beesha caalamku sheegatay ineey soo dhaweynayso qaabka wanaagsan ee loo dhisay xukuumada ka kooban 20-ka wasiir, loona baahan yahay in la ansixiyo, si loo dar dar galiyo howlaha lagu gaarsiinayo dalka higsiga 2016.

IMG_4268 IMG_4271 IMG_4286 IMG_4291 IMG_4292 IMG_4307 IMG_4330 IMG_4354 IMG_4363 IMG_4367 IMG_4370 IMG_4383 IMG_4394 IMG_4403 IMG_4406 IMG_4413