XOG: Raaskambooni oo amartay in la jaro isgaarsiintii magaalada Kismaayo, kufsiga gabdhaha iyo ,,,,,,,

0

Sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose in isgaarsiinta magaalada Kismaayo ay jareen maleeshiyaadka Axmed Madoobe uu hoggaamiyo oo dhibaatooyinka ku haya dadka Soomaaliyeed.

Maleeshiyada Raaskambooni ee Horjooge Axmed Madoobe ayaa amray in la jaro isgaarsiintii magaalada Kismaayo waxaana maleeshiyada la soo sheegayaa in ay xoog ku galeen xarumaha isgaarsiinta oo ay amreen in hawada laga saaro.

shalay Illaa xalay ma jirin wax isgaarsiin ah oo magaalada Kismaayo ka shaqeynayay, waxaana sidoo kale jira in la xirxirayo dhallinyarada wax ka barata magaaladaasi.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa sheegay in falalkani ay kaga gol leeyihiin sidii ay amniga u sugi lahaayeen, balse shacabka oo la xasuuqayo ayaa dad badani isweydiinayaan waxa amniga looga sugayo.

Ciidanka Kenya iyo daba-dhilifyadooda Raaskambooni ayaa dib kaga soo laabtay saaka aroortii hore deegaano shalay ay gaareen kadib baqdin ka soo wajahday ciidanka Col. Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale) iyo kuwa ciidanka xoogga dalka oo isku aruursanaya deegaano ay ka mid yihii Sabca Sharaaf iyo Goobweyn.

Wararkii ugu dambeeyay dib kala soco Allgalgaduud…