AKHRISO: Taariikh Nololeedka Gudoomiye ku xigeenkii G/Banaadir+Sawiro.

0

Alle ha u naxaristee Maxamed Aadan Guuleed oo loo yaqaano ” Caano Geel ” waxa uu ku dhashay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Taariikhdu marki ay ahayd 21-Bishii October Sanadkii 1968. 

Hooyadiisa waxaa La dhihi jiray Cibaado Macalin Shuceyb Alle ha u naxriistee waxay Geeriyootay sanadkii 2004, sidoo kale Aabihiis Aadan Guuleed waxa uu geeriyoday Alle ha u naxaristee Sanadkii 2006.

Dugsigii Quraanka ee Caanka ahaa ee la dhihi jiray Macalin Nuur Cilmi Cawaale ayuu ka baxay oo ku yaalla Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Sanadkii 1974 waxa la geeyay Dugsiga Hoose, Dhexe ee Cadaado oo u dhameeyay Sanadkii 1982.

Intaasi ka dib waxa uu u soo Wareegay Magaalada Muqdisho waxa uuna galay Dugsigii Sare ee Machadka General Daa’uud ee uu dhameeyay Sanadkii 1985, intii u dhiganaayay Machadkaasi ayaa waxa uu ka mid noqday Shaqaalaha Joogtada ah ee Wasaarada Cayaaraha.


Markii uu dhameeyay Dugsigii Sare ee Machadka General Daa’uud Sanadku Markuu ahaa 1987 waxa u galay Kulliyada Lafoole gaar ahaa waxa u bartay Taariikhda iyo Juquraafiga.

Bishii Febraayo Sanadkii 1990 waxa uu furay Wargeyska Caanka ah ee Xog Ogaal oo ilaa iyo hada soo baxa.

Sanadkii 2000 waxa uu ka qeyb galay Shirkii Carta ee lagu qabtay Magaalada Jabuuti, isla markaana wax xil ah kama qaban Shirkaasi.

Bishii Janaayo ee Sanadkii 2003 ayaa ka baxay Dalka Soomaaliya waxa uuna dagay oo uu in mudo ah ku noolaa Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska.

Sanadkii 2012 ayaa Dalka dib ugu soo laabtay Mudo ka dibna waxa loo Magacaabay Xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Dhanka Siyaasada iyo Arrimaha Dimoqoraadiyada ee maamulka Gobolka Banaadir.

Bishaan Febraayo 20-keeda sanadkan 2015 ayuu ku geeriyooday Qarax ka dhacay Masjid ku yaalla Gudaha Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho.isla Maalintaasi ayaa lagu Aasay Qabuuraha Isbitaalka Madiino ee Magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxaristee Marxuum Maxamed Aadan Guuleed ”  ” ayaa Ifka ugu tagay 12 Caruur iyo hal Xaas.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo u muddo bilooyin ah la soo Shaqeynaayay ayaa ku amaanay howsha adag ee u ka haayay Gobolka banaadir isla markaana waxay ku tilmaameen inuu ahaa Nin dhowrsan oo Alle ka cabsi badan.

Sidoo kale Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Marxuum Maxamed Aadan Guuleed ” Caano Geel ” waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin Howlkar ah oo howshiisa Daacad u ah isla markaana abaabulka iyo qaban qaabada Xafladaha ku fiicnaan oo ay jeclaayeen Shacabka iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.

                   —–DHAMMAAD—–