(Daawo Sawiradda) Saraakiil katirsan AMISOM oo Indha-indhayn u tagay degmadda Cadaado iyo Ciidamo la geeynayo.

0

Saraakiil katirsan Howl-galka AMISOM ayaa Maantay gaaray degmadda Cadaado ee Gobolka Galgaduud, Cadaado ayaa lagu qabanayaa dhowaan shir Maamul loogu samaynayo Goboladda dhexe ee dalka Soomaaliya.

Saraakiisha AMISOM waxaa Cadaado kusoo dhoweeyay Masuuliyiin katirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb oo kataliya deegaanadaasi, Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa saraakiisha soo tusay halka lagu qabanayo shirka lagu dhisayo dowlad goboleedka Goboladda dhexe.

Sidaas oo kale waxay Saraakiishaani ay booqdeen qiimayna ay ku sameeyeen Xarunta la doonayo in la dejiyo Ciidamadda AMISOM ee tagaya Cadaado.

Isla maantay Saraakiishaani waxay kusoo laabteen Magaaladda Muqdisho iyaga oo qiimaynta ay soo sameeyeen kula soo noqday Taliska Ciidamadda AMISOM ee Xalane.

Isku soo wada duuboo, waxaa lagu wadaa in shirka Cadaado lagu qabto 01-da bishaan Maarso iyadda ay kasoo qayb galayaan ergooyin meelo kala gadisan ka imaanaya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA LAGA SOO QAADAY SARAAKISHA BOOQDAY CADAADO:

kili1 kili2 kili3 kili4 kili5 kili6 kili7