Deg Deg:- Dad lagu dilay weerar ka dhacay Mandheera.

0

Hal ruux ayaa dhintay 2 kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii ay rag looga shakisanyahay Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaan katirsan Mandheera.’

Weerarkan ayaa dhacay subaxnimadii Arbacada saacada markeey ahayd 8:00, rag ku hubeysan qoryaha fudud, ayaa la sheegay ineey rasaas ku fureen Hotel ku yaal halkaas.

Duqa Mandheera Alex ole Nkoyo, ayaa sheegay in rag looga shakisanyahay Alshabab oo kasoo gudbay dhinaca Bula Hawa, ay weerarka fuliyeen.

Ruuxa dhintay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa la sheegay ineey ahaayeen Injineero ka shaqeeynayay dhismaha Garoonka Mandheera.