Deg-Deg:-Deegaan ay Alshabaab maamulaan oo uu qarax ka dhacay

0

Wararka ka imanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay degaan dhinaca Bari kaga beegan magaalada Diinsoor.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqaleen qarax xooggan oo ka dhacay goob tuulo ah degaan uu ka taliyo ururka al-Shabab.

Ilaa hadda ma cadda waxa sababay qaraxan inay yihiin duqayn cirka ah iyo walxaha qarxa oo goobtaasi yaallay. Sidoo kale ma cadda cidda wax ku noqotay.

Wixii kusoo kordha idaacadahayaga dambe ayaad ku maqli doontaan.

Xigasho: VOA