Deg Deg:- Qaraxyo mataano ahaa oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

0

2:30-kii duhurnimo ee maanta, ayaa waxaa laba qarax oo waaweyn laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaaya in lala beegsaday gaadiid ay la socdeen Ciidamada Dowladda.

Qaraxyada, ayaa waxay ka dhaceen inta u dhaxeyso Warshaddii Barafuunka iyo Isgoyska SOS ee Degmada Heliwaa. Qaraxa hore waxaa lala beegsaday gaari Kaarib ahaa, halka qaraxa kalana lala eegtay gaari Cabdi Bille, oo la socday.

Qaraxyada oo siyaabooyin kala duwan u haleelay gaadiidkaasi, ayaa waxaa kan hore ku dhintay nin Sarkaal ahaa oo la socday gaarigii Kaarib ahaa, iyadoo kan kalana ay ku dhaawacantay ilaa saddex askari.

Ciidamada Dowladda oo durbaba ku baxay aagga uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxay xireen wadooyinka halkaasi ku yaala, waxayna ka bilaabeen baaritaano ka dhan ah qaraxyadaasi.

Sarkaalka geeriyooday, ayaa waxaa la hadalhayaa in uu ka tirsanaa Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, inkastoo aanu Taliska Nabad Suggida Gobolka Banaadir taasi xaqiijin.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Heliwaa, ayaa sheegay in qaraxyadaasi lala eegtay gawaari ay lee yihiin Ciidamada Dowladda, laakiin wax tafaasiil intaa dheer kama bixin.

Qaraxyada lala beegsaday gawaaridaasi, ayaa ahaa kuwo horey loogu sii diyaariyay wadada dhinaceeda.