Dhageyso: Jaaliyada Soomaalida Minnesota oo ka shirtay hanjabaadii Falaagada Argagixisada Ah Ee Al Shabaab.

0

Bulshada Somaliyeed ee deggan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay cajaladdii muuqaalka ahayd ee uu soo saaray ururka Alshabab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa cajaladdaasi ku sheegtay in ay weerarayaan xarumaha laga dukaamayso ee ku yaala waddamada reer galbeedka, gaar ahaanna rugta laga dukaamaysto ee ku taala gobolka Minnesota ee Mall of America.

Madaxda Soomaalida gobolkaasi ku nool ayaa shirar ka yeeshay ay kaga wadahadalayaan arintaasi.

 

Halkaan Hoose Ka Dhagayso: