(Dhageyso) Afar Dhalinyaro Ah Oo Maanta Lagu Xiray kismaayo & Xasuuqa Oo Ku Soo Badanaya Halkaasi.

0

Cabdi-wahaab Cismaan, Waxaa Uu Kamid Yahay Muwaadiniinta Ka Soo Jeedda Goboladda Jubooyinka Waxaanna Uu Haatan Ku Suganyahay Magaaladda Muqdisho, isagoo Xiriir La Soo sameeyay All-Galgaduud Media Ayuu Sheegay in Falalka Ka Baxsan Xaquuqda Aadanaha Ay Ku Soo Badanayaan magaaladda Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Cabdi-wahaab Ayaa Kooxda Raaskanbooni Ee Uu Hogaamiyo Axmed Madoobe Ku Eedeeyay Dhibaateynta Dadka Qaar Ee Deegaankaasi Ku Nool, Wuxuu Uu Sheegay in Maanta Ay Ugu Danbeysay Gudaha Magaaladda ay ciidamadda Axmed Madoobe Ka Afduubteen Rag Dhalinyarro Ah Oo Ka Shaqeysanayay Magaaladaasi.

Cabdi wahaab
Sawirka Cabdi-wahaab Cismaan.

Isagoo SI Gaar Ah Uxusay Wiil Dhalinyarro Ah Oo Ka Shaqeynayay Gaadiidka Dadka Ka Dhax Shaqeeya Ee Loo Yaqaanno BL-Ka, Wuxuunna Ka Biilayay Hooyadii Oo 70-Sano Jir Ah iyo Hooyadeed Oo Iyana La Nooleed, Sidoo Kale Dhaqaalaha Yar Ee Ka Soo Gasha Shaqaadaasi Auu Ka Biili Jiray Caruurtiisa iyo Xaaskiisa, Asagooo Sheegay in ilaa iyo hadda Meesha ay la aadeen aan laga war Heynin.

Ugu Danbeyn Cabdiwahaab Cismaan Ayaa wareysiga Uu Siiyay AGGM Ku Sheegay in Dadka La Xiro Lagu Soo Daayo Lacaggo madaxfurasho Ah Cidii Aan lacag Heysanna Ay Dadkoodda Isaga Jirayaan Gudaha Xabsiga,

Maahan markii Ugu Horeysay Oo Magaaladda Kismaayo Lagu Xir Xiro Dhalinyarro Aan Waxba Galabsan Kuwaas Oo Si Siyaasadeeysan Xabsiyadda Oga Buuxa Islamarkaanna Mid Kamid Ah Aan Nolashiisa La Xaqiijin Karin.

Hoos ka dhageyso Wareysiga C/wahaab: