(Dhageyso) Ahlusunna oo Eedeeyn kala dul dhacday Dowladda Federaalka.

0

Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca Sheikh  C/llaahi Shiikh C/raxmaan oo Shir jiraa’id ku qabtay Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay Dagaalada ka soconaya Qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud ee u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusnna.

Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan ayaa Dowladda Soomaaliya ku Eedeeyay in Xamaasada ay u qabto ladagaalanka Ahlusunna aysan u qabin Al-shabaab islamarkaana Dagaalkii Al-shabaab Dowladdu ay kula jirtay u soo weecisay Dhanka Ahlusunna.

Afhayeenka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Qadarin weyn siiso Shaqsiyaadka ka soo goosta Al-shabaab markii ay dowladda ku soo biiraan,taas oo muujineysa iyo Dowladda Ahlusunna iyo Al-shabaab ay u kala sokeeyaan.

Hadalka Afhayeenka ayaa imaanaya iyadoo Dagaal Dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay Gobolka Galgaduud,waxaana wali Degmada Gurceel ka taagan Xiisad u dhexeeyasa  Dhinacyadii dagaalamay.

Halkaaan Hoose ka dhageyso Codka: