(Dhageyso) Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Bakool.

0

Dagaalka ilaa xalay ka socda Tuulada Ceel-Baar oo 20-Km ujirta Degmaad waajid ee Gobolka Bakool ayaa u dhexeeya Cidiamada Miltariga Somaaliya dagaalamayaasha Al-Shabaab waxaana la sheegayaa inuu khasaara dhimasho iyo dhaawac leh sababay inkastoo aan la heyn tirada inta ay la egtahay.

Dagaalka ayaa yimi kadib markii Ciidanka Miltariga ay weerareen Degaanka uu dagaalka ka socdo oo ay ku shirsanaayeen Madax katirsan Al-Shabaab Sida Uu Sheegay taliyaha Ciidanka Xooga dalka ee ku sugan Gobolka Bakool Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Maxamuud Timacade

Wey adag tahay in si sax ah loo ogaado inta uu la egyahay Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ka socda Tuulada Ceel-Baar ee hoostagta Degmada waajid iyadoo,wali Shabaabka dhankooda aysan ka hadlin dagaalkaasi.

 Halkaan Hoose ka dhageyso Codka :