(Dhageyso) Ciidamada Dowladda oo dagaal ku qaaday fariisimo Alshabaab Gobolka Bakool.

0

Guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegey in ciidamada dowladda Soomaaliya ay dagaal ku qaadeen fariisimo Alshabaab ay ku lahayd deegaanka Ceel Baar oo 15km u jira degmada Waajid.

Xasan Aadan Gardhuub, guddoomiyaha waajid ayaa yiri “ Ciidamada dowladda ayaa qaaday dagaalka, ciidamadeena hal dhimasho, 4 dhaawac waaye, 18 qof ayaan ka dilney Alshabaab, aniga ayaana arkay”.

Waxa uu guddoomiyaha sheegey in dagaalkani uu qeyb ka ahaa hawlgal ciidamada dowladda ay ku doonayaan in ay ku furaan waddooyin ay xireen dagaalyahanada Alshabaab si ay u go’doomiyaan magaalooyinka.

Ma jirto cid gacanta ku heysa deegaankii lagu dagaalamay sida uu sheegey guddoomiyaha, wuxuuna intaasi ku daray in fariisimihii ay ciidamada dowladda ka duuleen ay dib ugu laabteen.

Dhawaan waxaa tabiney sicir barar ku yimid ganacsigii Waajid iyo nolol xumo halkaasi ka jirta sababo la xiriira go’doomiyin muddo bilooyin badan ah lagu hayo degmooyin ka tirsan Bay iyo Bakool.

Hoos Dhageyso: