(Dhageyso) Dowladda Federaalka Oo Sheegtay In Duqeyntii Shabeelaha Hoose Ay Ku Dhinteen Dagaalyahano Badan Oo Al-shabaab Ah.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay shalay ka geysteen deegaan ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii  oo u waramay wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua (Shinwaa) ayaa sheegay in ay halkaasi ku dhinteen in ka badan 40 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in duqeyntaan ay ahayd mid xoogan islamarkaana si gaar ah loogu bartilmaameedsaday meel ay Al-shabaab ka joogeen xaafad lagu magacaabo Dugule.

Duqeyntaan ma cadda in ay ka dambeeyaan Maraykanka iyo AMISOM, hase ahaatee dadka ku sugan halkaasi ayaa sheegay in ay maqleen mar qura oo kaliya dhawaqa madaafiic aad u xoogan.

Al-shabaab weli kama aanay hadli qasaaraha kasoo gaaray duqeyntaan sidoo kalena ma jirto wax war ah oo dowladda Maraykanka kasoo saartay weerarkaan, maadaama inta badan weerarada sidaan oo kale ah iyaga looga bartay.