(Dhageyso) Dowladda Oo Sameynaysa Siyaasad Cusub Oo Amniga Ah.

0

Iyadoo  Magaalada Muqdisho maalmahaan ay ka dhacayeen Falal Amaan daro ayaa Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukumadda Soomaaliya waxaa ay Dajisay Qorshe Siyaasada Amniga Caasimadda lagu Xalinayo oo looga hortagayo Qaraxyada iyo Weerarada ka dhaca Caasimadda Dalka.

Wasaarada Amniga Gudaha ayaa sheegtay in Baaritaan lagu sameeyn doono Hottelada Magaalada Muqdisho iyo Goobaha Ganacsi ee sida Gaarka ah loo leeyahay.

Afhayeenka Xukumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/wali sheegay in Baaritaankaasi uu saameyn ku yeelan doono sidoo kale Dadka Shacabkaa iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka,waxaana Xukumaddu ay ku baaqday in la dul qaato.

20-kii Bishaan ayaa Weeraro Qaraxyo ah oo Al-shabaab ay sheegteen waxaa lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Dad Shacab ah,iyadoona Shalay sidoo kale Dharaar Cad Weeraro Madaafiic ah Madaxtooyada Dalka lagu soo Weeraray.

Hoos ka dhageyso: