(Dhageyso) Galmudug oo dalbatay in la sii daayo dhalinyarada caalamka ugu xiran B/badeednimada.

0

Wasiirka Kaluumeysiga maamulka Galmudug C/qaadir Cali Jaamac ayaa sheegay inay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu qalday burcad badeednimo oo ku xiran xabsiyo ku yaalo caalamka. 

Wuxuu sheegay Wasiirka Kaluumeysiga maamulka Galmudug in dhalinyarada ugu badan ee loo heysto falalka Burcad badeednimada ku xiran yihiin saldhigyo ku yaalo dalka India,islamarkaana dhibaatooyin kala duwan ay soo wajahayaan.

Dhalinyarada ugu badan ee loo heysto kiiska burcad badeednimada ayuu tilmaamay inay ku xiran yihiin dalka india waxaana lagama maarmaan uu ku tilmaaamay in lasii daayo maadaama sida uu sheegay ay yihiin dhalinyaro la qalday.

Hadalka Wasiirka Kaluumeysiga maamulka Galmudug mudane C/qaadir Cali Jaamac ayaa ku soo aadaya xilli shalay Kooxda burcad badeeda sii daayeen afar la heystayaal oo mudo afar sano ah gacantooda ku jira.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa weeraro ku qaada Maraakiibta iyo doonyaha isticmaala xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Hoos ka dhageyo: