(Dhageyso) Maamulka G/Banaadir oo damaanad qaaday nolosha carruurtii uu ka baxay Caano Geel.

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu damaanad qaadayo nolosha Caruurta uu ka geeriyooday Gudomiye ku xigeenkii dhinaca Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Alle ha u naxariistee Maxamed Aadan Guuleed Caano Geel. 

Gudoomiye ayaa sidoo kale sheegay iney ka warqabayaan isla markastana ay la socon doonaan Caruurtaasi Agoonta ah.waxa uuna xusay in Maxamed Aadan Guuleed Caano Geel uu ahaa Shaqsi ku weynaa Shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Intaasi ka dib,gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo khudbad ka jeedinayay kulan duco ah oo xalay ka dhacay xafiiskiisa oo ku yaala degmada Heliwaa ayaa sheegay in Shacabka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga guuleysto kooxaha falalka amaandari ka wada Muqdisho.

Wuxuuna Muungaab tilmaamay in mar hadii la helo isku xirnaasho Bulshada iyo laamanaha amaanka ah suur gal noqon karo in lagu guuleysto sugida amaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa hadalkaan ka sheegay Kulan Duco ah uuMaamulka Gobolka Banaadir ugu duceynaayay Masuuliyiintii ku dhimatay Qaraxii ka dhacay Masjid ku yaalla Gudaha Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codka: