(Dhageyso) Marwo Canab " Cadaalada halaga Shaqeeyo Shacabkana halo naxaristo ".

0

Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Somaaliyeed Marwo Canab Xasan Cilmi ayaa Madaxda Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Masuuliyinta Maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqday iney ka shaqeeyaan Cadaalada isla markaana ay si siman ula shaqeeyaan Shacabka Soomaaliyeed. 

Waxay sidoo kale sheegtay in ay muhiim tahay in si naxariis leh logu adeego Shacabka Soomaaliyeed oo ay sheegtay in iminka ay u baahan yihiin Hogaan Wanaagsan, Daacad iyo Cadaalad dhab ah.

Marwo Canab Xasan Cilmi ayaa sidoo kale sheegtay in Shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Maamulkooda balse Maamulka Gobolka Banaadir loogu baahan yahay inuu Xiriir Joogto ah iyo wada shaqeyn buuxda u la yeesho Shacabka.

Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Somaaliyeed Canab Xasan Cilmi ayaa hadalkaani ka sheegtay ka dib markii ay ka qeyb gashay Kulan Duco ah uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu duceynaayay Masuuliyiintii ku dhimatay Qaraxii ka dhacay Masjid ku yaalla Gudaha Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho. 

 Hoos Ka Dhageyso Codka: