(Dhageyso) Wufuud Kale oo Gaaray Shirka Dib U heshiisiinta Dhuusamareeb.

0

Wafuud isugu jira odayaal iyo siyaasiyiin oo ka socda sedex beelood oo dhamaantood dega gobolada dhexe sida beesha Surre ee Direed, beesha Mareexaan ee Daarood iyo Beesha Abgaal ee Hawiye, waxayna wafuudani ka qeybgalayaan shirka dib u heshiisiinta beelaha ee ka furmey magaalada Dhuusamareeb.

Macalin Cabdiraxmaan Geedo Qoroow oo ah Guddoomiyaha Dhuusamareeb, ayaa soo dhaweeyey ergada oo ay kala hogaaminayeen ugaasyada beelaha kor ku xusan .

Waftigii odayaasha oo iyaguna ka hadlay madal loogu qabtay soo dhaweyn ayaa bogaadiyey shirka Dhuusamareeb, waxayna sheegeen in ay ka go’antahay arrimaha dib u heshiisiinta.

Hoos Ka Dhageyso Codadkoodda: