(Dhageyso) Xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka oo dib u bilaabaya shaqadooda.

0

Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa maalinta berito ah dib u bilaabaya shaqadooda, kadib markii wadahadal uu dhexmaray bangiyo yar yar oo dalkaasi ku yaalay oo shaqada u bilaabay Xawaaladaha Soomaalida.

Inta badan xawaaladaha ayaa xirmay kaddib markii bangiga lacagaha u xawili jiray uu xiray xisaabaadkoodii lixdii bishan February.
Xiritaanka xawilaadaha Soomaalida ee Mareykanka ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay noolasha Soomaali badan oo ku nool gudaha dalka, kaddib markii ay waayeen lacagihii ay ehelkooda ka heli jireen.
Cabdicasiis Sugule, waa gudoomiyaha urur ay ku bahoobeen xawaaladaha Somaalida oo la yiraahdo SAMSA, wuxuu sheegay in beriti oo 1-da March ay tahay shaqada ay dib u bilaabanayso oo xawaaladaha Soomaalida ay shaqeynayaan.
Soomaali badan oo dalka gudihisa ku nool ayaa lacago biil ah ka hela ehelkooda oo ku nool dalka Mareykanka, markii ay maqleen in xawaaladaha la xirayna saameyn weyn ayeey ku yeelatay.
Hoos ka dhageyso codkiisa: