(Dhageyso) Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Galgaduud.

0

Wararka ka imaanaya  Degaanka Xiin dheereb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya Al-shabaab iyo Dadka Shacabkaa ee halkaasi ku nool ay ku dagaalameen islamarkaana Saaka Xiisad Colaadeed laga dareemayo.

Dagaalka Al-shabaab iyo Dadka Degaanka Xiindheere ayaa yimid kadib markii Shabaab ay Dadka ku halkaasi ku soo rogeen Lacago Canshuuraad ah oo aad u badan Dadkuna ay ka biyo diideen.

Qaar kamid ah Dadka Degaanka ayaa Qoryaha u qaatay Shabaab,iyadoona laga soo sheegayo in hada ay Xiisad ka jirto.

Saarkiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Galgaduud ayaa laga soo xigtay in Ciidamada ay isku diyaarinayaan sidii Shabaab looga dul qaadi lahaa Shacabka Xiindheere.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: