(Dhageyso) Xildhibaan Ka Tirsan Puntland Oo Sheegay in Ay Riyo Yahay Barnaamijka Hiigsiga Cusub Ee Somaliya.

0

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu danbeeyey kasocotay hadal haynta 20-ka wasiir ee hordhaca oo uu soo magacaabay raysul wasaare sharmaake iyo waliba shacabka soomliyeed iyo beesha caalamka Oo dhagta u taagayey  qaabka ay xildhibaanada federaalka u arkaan xukuumada aan dhamaystirnayn ee u somagacaabay raysul wasaaraha soomlaiya, maadama xildhibaanada federaalka horay ugasoo horjeesteen xukuumadi tan ka horaysay.

Maalinimadii shalay oo ku beegnayd 31-january ayaa waxaa uu raysul wasaarahu hortagay golaha wakiilada fedraalka soomliya isagoo ka codsaday in lasiiyo jaaniskale oo uu kusoo dhamaystiro xukuumadiisa iyadoo taasi jirto ayaa hadana ilaa maalinimadii shalay siyaasinta waxgaradka iyo masuuliyiinta soomliyeed waxaa kasoo baxayey dhaliil ay ujeedinayeen raysul wasaare sharmaake taasi oo ku aadanayd in uu ku jaahwareeray siyaasada soomliya halka qaybtoodna ay sheegayeen in uu ka fiirsanayo xukumada uu soo dhisayo

Xildhibaan Maxamed Cismaan Xasan waxa uu kamid yahay Baarlamanka Maamulka Puntland waxa uu sheegay  in uu raysul wasaaruhu talaabo fiican qaaday islamarkaana uu rajo qabo in xiligan kama danbaysta uu soo dhisi doono xukuumad cusub oo ay ansixin doonaan  barlamanka soomliya.

xildhibaanku waxa uu sheegay in markii hore ay khalad ahayd in golaha barlamaanka laga soo dhex magacaabo xukuumada waxa uuna raysul wasaaraha ku amaanay in uu bad baadinayo islamrkana meesha kasarayo is qab qabsiga kajira soomliya.

Ugu Danbeyn Ayuu Sheegay iney Riyo Tahay Barnaamijka Hiigsiga Cusub Ee Somaliya Ama 2016 Oo Somaliya La Doonayo iney Gaarto Doorasho Xor Ah Islamarkaanna Uu Ku Sifiiyay Wax Aan Suurtagal Ahayn.

Shalay Ayeey Aheyd Markii baarlamanka Somaliya Ay Wakhti Kale Ugu Dareen Reyuslwasare Cumar Cabdirshiid Waxaanna Laga Wardhowrayaa Waxa uu La Yimaddo Reysulwasaaraha.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka: