(Dhageyso) Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji oo sheegay inaysan aqbaleyn wax aan shacabka dan ugu jirin.

0

Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in marnaba Baarlamaanka Soomaaliya aysan qaadan doonin wax Bulshada Soomaaliyeed aan dan ugu jirin.

Wuxuu sheegay in Baarlamaanka ay wakiilo ka yihiin shacabka Soomaaliyeed wixii wanaag ahna ay u qaadayaan, balse wax aan aheyn wanaag aysan u qaadeyn sida uu yiri.
Xildhibaanka ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay inay ku kalsoonaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday Xukuumad uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo dib ay u celiyeen Xukuumadaasi, welina dalka malahan Xukuumad dhameystiran oo lasoo dhisay.

Hoos Ka Dhageyso Codka: