(Dhageyso) Xildhibaanad Ubax Tahliil “Madaxweyne Hadii Aadan Dan Ka Lahayn Gobalada Dhexe, Dadkii Ka Lahaa Wey Fadhiyaan Ee Faraha Ka Qaad”

0

Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxda sare ee dalka ku eedeysay inaysan daacad ka ahayn maamul u sameynta gobalada dhexe ee dalka.

Xildhibaanadda oo baryahanba ku sugnayd magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa shaacisay in dadka goballada dhexe aysan raali ka noqon doonin wax aysan doonaynin.

Waxay sheegtay in hadii aanay dowladda diyaar u ahayn in ay wax la qabato dadka ku sugan degmada Dhuusa Mareeb, aysan iyaguna diyaar u noqon doonin in masiirkooda la marin habaaniyo waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame.
Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame.

“Waxaan aad uga xumahay hadaladii kasoo yeeray madaxweynaha sharafta leh ee Federaalka, waxaan leeyahay madaxweynaha halkaan waad timid gogoshaan waad furtay waxayna ahayd dhameystirkeeda inaad ogaato, mar hadii aadan dan ka lahayn gobalada dhexe, hade dadkii danta ka lahaa wey fadhiyaane faraha uga qaad, dhammaan xildhibaanada siyaasiinta, ganacsatada ee ku magacaaban inay ka mid yihiin gobalkaan ama gobaladaan isku tagay oo raba inay nabadda ka shaqeeyaan waxaa la rabaa wax alle iyo wixii shaqo ah oo ay u hayaan Federaalka inay faraha ka qaadaan oo ay yimaadaan Gal-gaduud, inaan gobaladaan la xaqiri karin, dadka u dhashay hadii ay damcaan dagaal inay kiciyaan waa dad horseedi kara, hadii ay rabaan nabadda inay wadaan, ay nabadda wadi karaan, Nabadda ayaan rabnaa, madaxweyne haku qaldamin gobaladaan dhexe, waa dad u taagan inay heshiiyaan, heshiiska ayeey diyaar u yihiin, heshiis darro lama rabo, xagee lagu arkay ninkii howsha uu waday isaga ku taagan, war dadka federaal baa la yiri waxbaa la’isku darsaday, qiimeey oo sharaf soona dhaweey Odayaasha, dhalinyarada, siyaasiyiinta, Duubabka, ganacsatada iyo intii ehel u ah gobaladaan dhexe xishmad bay kaaga baahan yihiin, gudoomiyaha Baarlamaanka oo isagana anaga gudoomiye noo ah dhaleeceenta waxbuu ka leeyahay, maxaa yeelay meeshii shir lagu qabanayo wuu imaan jiray gudoomiyaha, marka gudoomiya Hal gobal uma tihid gudoomiye, codkeenii ayaa lagugu doortay oo aad ku fadhidaa, wasiirka arimaha gudaha iyo madaxweynaha waxay ka tirsanyihiin gobalada dhexe, waana ka xunnahay in gobalkiina aad ka meeraysataan” ayeey Xildhibaanadda tiri.

Degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka Gal-gaduud waxaa ka soconaya shirka dib u heshiisiinta beelaha degan gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Odayaal dhaqameed aad u badan.

Halkaan Hoose ka dhageyso: