Faah Faahin :- Dheeraad Ah Oo Laga Bixiyay Shirka Dhuusa Mareeb Ee Dib u Heshiisiinta.

0

Shalay waxaa degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka Gal-gaduud ka furmay shir balaaran kaasi oo la sheegay in lagu heshiisiinayo beelaha wada dega gobalkaasi.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Odayaal dhaqameed, Siyaasiin iyo Waxgarad, kuwaa oo ka kala yimid qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Gal-gaduud.

Gudoomiyaha degmada Balanbale ee goballka Gal-gaduud Hareeri Xasan Barre ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in shirkaan uu yahay mid wax badan ka bedali doona xaaladda guud ee gobalka, islamarkaana la’isku keenayo dhamaan dadka gobalka wada degan.

Shirka maamul u sameynta ee gobalada Mudug iyo Gal-gaduud ayuu ku sheegay in midkaan uu ka horeeyo, islamarkaana uu kaasi fududaan doono hadii dadka ay wada heshiiyaan.

“Dadkan waxay fahmeen aayahooda, waxayna dhaheen shir kale ma geli karno inaga oo aan wada heshiin, markaan nabad cariga ka dhigno aan shirka maamulka lagu sameynayo qabsanno, shirka si wanaagsan ayuu u furmay, waxaana rajeynaynaa in wax badan ay is bedalaan” ayuu yiri Hareeri Xasan Barre.

Shalay waxaa degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka Gal-gaduud laga furay shir ay ku wada hadalayaan dadka wada degan gobalkaasi, kaasi oo lagu sheegay in uu yahay mid nabadeed, xilli degmada Cadaado laga qaban qaabinayo shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay Arimahaas.