Faahfaahin ka soo baxay qarax ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

0

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax ka dhacay agagaarka isgoyska NBC ee degmada Hodon magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen saddex ruux.

Gaarigan ayaa la sheegay in ay ka shakiyeen ciidamo ku sugnaa isgoyska NBC kadibna ku amreen in uu istaago hase yeeshee gaariga ayaa dadkii saarnaa rasaas waxa ay ku fureen ciidamadii isku dayay in ay istaajiyaan.

Is rasaaseyn dhex martay labada dhinac ayaa sababtay in uu qarxo gaariga iyadoo guddoomiyaha degmada Hodon C/qadir Cali Kulane ayaa sheegay in ay ciidamadu dileen mid kamid ah raggii saarnaa gaariga halka mid kalana uu dhaawacmay iyadoo mid saddexaadna uu baxsaday.

Lama oga ujeedada ka dambeysay raggan saarnaa gaariga qarxay hase yeeshee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhayay toddobaadyadii la soo dhaafay weeraro qaraxyo ah iyo hoobiyaal isugu jira.