Faallo Xiiso Badan:- Kooxaha Sharka Iyo Burburku ma Majaxaabin doonaan Shirka Maamul-u-dhisidda Jubbooyinka ee Garbahaarey l (Qalinka Axmed Nuur).

0

Ummad weliba aayaheeda iney garato iyadaa leh waa hees inna xusuusinaysa in aayaha iyo masiirka bulsho uu ka go’o iyada ee aanay ahayn in loo yeeriyo ama loo go’aamiyo waxa mustaqbalkoodu noqonayo. Taariikhda in badan ayaa lagu arkay markii bulshooyin la cadaadiyey oo la isku dayey in wax aanay raalli ka ahayn lagu sameeyo ama masiirkooda iyo aayahooda khatar la geliyo ay bulshadaasi kacday oo ka hor timi damacaasi iyadoo halkaasi ay ka dhasheen wax aanay raalli ka noqon dhinaca xadgudubka geysanayey.

Tan iyo markii kooxda Raaskaanbooni ee uu hoggaamiyo dagaal oogaha aamainsan fikradaha xagjirka ah ee Axmed Madoobe ay qabsadeen Magaalada Kismaayo oo ah magaalada ugu muhiimsan Jubbaland, waxaa soo ifbaxayey damac ay kooxdaasi ku dooneysay iney ku afduubto rabitaanka dadka Jubbooyinka iyagoo sameeyey dagaalo iyo dadaalo ay maamul rimay gacmeed ah kaga dhisayeen meelo ka mid ah Jubbooyinka, waxana xusid mudan in kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab ay weli maamulaan meelo badan oo ka mid ah Jubbooyinka.

Dadka Jubbooyinku markii ay u adkaysan waayeen gabood fallada iyo xukun-maroorsiga Kooxda Raaskaanbooni ee xagjirka ah waxay sameeyeen kulamo aaya-ka-tashi ah oo lagu midaynayo dadka degaanada Jubbooyinka si loo helo maamul caddaalad iyo metelaadda dadweynaha ku dhisan oo ka tarjuma rabitaanka bulshada.

Iyadoo meel guul iyo gabagabo ah uu marayo shirka Mamaul-u-samaynta Gobolada Jubbooyinka ee Garbaharray, ayaa kooxda sharka iyo burburka ee ay hoggaanka u hayaan Raaskaanbooni waxay wadaaan qorshe ay ku majaxaabinayaan shirkaasi, waxana ay durbaba ay bilaabeen in ay ku dhawaaqaan iney soo xulayaan waxay ku sheegeen Baarlaman, iyagoo gaaray Magaalada Dooloow, halkaasi oo ay ka bilaabeen qorshe xubno baarlamaan ah uga soo xulayaan degaanka Gobolka Gedo. Waa su’aal da’weyne dalka yaa iska leh? Dadku miyaaney xaq u lahayn iney kuwa metelaya iyagu soo xushaan? Maxaa Darwiish iyo Cabdi Naasir Gaarane ka ka quseeya Doolow iyo masiirka dadka Gedo? Yaase shaqadaa ay halkaa ka hayaan u wakiishay?

Shakhsiyaadka dadka sii kala dilaya ee Doolow ku xadraynaya waxa aka mid ah Cabdi Naasir Seeraar oo ah nin xagjir ah ma aha keliya ururada shar-wadayaasha ah ee uu aragti ahaan uga tirsan yahay, laakiin dhinaca qabyaaladda iyo kala-geynta bulshad. Haddii uu meel maamul iyo baarlaman u samaynayo waa in uu tagaa dhulkiisii maxaa yeelay dadka Jubbooyinku weli ma dhisan Maamul raalli laga wada yahay oo la isku raacsan yahay.

Kooxda dooneysa iney indha-sarcaadiso dadka gobolka Gedo ee dad u soo magcawdo ama u soo xusho waxaa ka mid ah Cabdinaasir Gaarane oo ah Wasiirk Ku-xigeenka Xoolaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo isagu ku caanbaxay in uu la dagaallamo hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee heer Federaal ee dadka ka soo jeedo gobolka Gedo. Waxaa lagu xusuusta in uu horseed ka ahaa riditaanka laba Ra’iisul Wasaare oo ka soo jeeday gobolka Gedo, taasi oo ku tusaysa dagaalka iyo nacaybka uu u hayo bulshada Gedo.

Marka la isku daro dadka jooga Doolow ee doonayo iney dhoodhoobana Baarlaman waxay u badan yihiin dad aan gobolka Gedo u dhalan oo doollaal ah oo doonaya iney sedbursi ku sameeyaan awood-qaybsiga Jubbaland, isla markaana carqaladeeyaan shirka Maamul-u-dhisidda dadka Jubbooyinka , laakiin waxaa muuqata in dadka Gedo ay ka go’an tahay ka mira-dhalinta shirkaasi iyo adkaynta midnimada dadka walaalaha ah ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka. Haddii aan nahay indheer garadka Soomaaliyeed waxaan guul iyo in uu miro dhalo u rajayneynayaa shirka Garbaharray ee lagu doonayo in lagu dhiso Maamul ay yeeshaan dadka Jubbooyinka.
Guul iyo Gobanimo

Aragtideyda xor ayaan u ahay.

Ahmed-nur Mohamed.

axmednuur59@gmail.com