Hadii la xusayo Afka hooyo, sow ciddii qortayna in la xuso ma mudna? W/Q:Bishar Haji

0

Madaxweynaha Doladda federaalka Soomaaliyaa mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa 21 fabraayo 2015 si wadajir ah u dhagax-dhigay Xarun loogu magacdaray “Akadeemiyad Goboleedka Daryeelka afka Soomaaliga”, taasoo laga dhisayo gobolka Banaadir, -magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Shangaani.

Hadaba, xafladda dhagax-dhigga oo ay khudbado ka jeediyeen madaxweynaha dfs mudane Xassan Sheik Mahamuud, madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele, gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya mudane Mohamed Osman Jawari, marna laguma xusin magaca madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Maxamed Siyaad Barre, oo asaga ahaa madaxweyne soomaaliyeed oo dadaal badan ku bixiyay qoridda afka soomaaliga, ugu dambeyntina ku guuleystay inuu jahliga ka saaro umadda soomaaliyeed, dhaxalna uga tago jiilasha dambe.

siyaad

 17kii December sanadkii 2012 ayaa sidanoo kale dalka Jabuuti lagu qabtay munaasabad lagu xusayay 40 guuradii ka soo wareegtay markii la qorey afka Soomaaliga, balse nasiib darro  sidanoo kale laguma xusin magaca ninkii qoray oo ah marxuum Maxamed Siyaad Barre.Afka soomaaliga ayaa la qoray Sanadkii 1972-dii, ka dib 11 sano oo muran ka dhx aloosnaa gudigii loo xilsaaray qoridda Af Soomaaliga sanadkii 1961.

Gudiga oo isku afgaran waayay xuruufta lagu qorayo afka soomaaliga oo ay qolaba dhinac la aaday ayaa gebi ahaan ku fashilmay inuu wax natiija ah gaaro.

11 sano oo fashil iyo is afgaranwaa ah, dowladii Kacaanka ayaa dib boorka uga jaftay guddigii fashilmay. Madaxweyne Siyaad ayaa amar ku bixiyay in si deg’deg ah loo qoro afka soomaaliga, xarfaha laatiinkana lagu qoro, waxaana muddo 2 sano ah lagu hirgeliay qorista iyo barashada Af Soomaaliga, halkaas ayeyna umadda soomaaliyeed jahligii uga baxday.

Hadaba shkhsiga abaalka intaa la eg u galay umadda soomaaliyeed miyuusan mudneyn in la xuso, loona mahad celiyo? Haba laga war wareego marka laga hadlayo wax yaabaha la xiriira siyaasad iwm, balse in dhaqankii umadda la siyaasadeeyo ———–?

BBC ENGLISH        http://www.bbc.co.uk/programmes/p02g1ysx?fb_ref=Default

 

Bishar Haji

b.haji114@hotmail.com