HESHIIS SIR AH : Xasan Sh & C/wali Gaas Oo Ku Heshiiyey Fashilinta Maamul-Gobaleedka Gobalada Dhexe

0

HESHIIS SIR AH (Allgadauud Media)Sida ay cadaynayaan xog-wareedyo culus oo inoo sir waramay waxaa jira in heshiis qarsoodi ah ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Heshiiska oo ay marqaatiyaal ka ahaayeen Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed Somalia wuxuu ka dhashay kadib markii Madaxweyne Xasan weydiistay maamulada inay taageero ku siiyaan sidii Cabdi Kariim Xuseen Guuleed uu madaxweyne uga noqon lahaa goboladda dhexe ee Somalia.

Heshiiska oo dhacay intii ay madax maamul goboleedyada ku sugnaayeen Xamar, ayaa waxa ay Cabdiweli Gaas iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ku heshiiyeen qodobadaan:-

1 Inaan Maamulka goboladda dhexe lagu derin Waqooyiga Mudug ama degmooyinka maamul ahaan hoos taga Puntland.

2 Inaan la furin Dekadda Hobyo, balse Dekadda Maamulka Goboladda dhexe laga dhigo Dekadda Mareeg.

3 In Cabdi Qeybdiid laga kaxeeyo Galgaduud iyo Mudug lagana siiyo xil Dowladda dhexe si loo xaqiijiyo inuusan halis gelin amaanka Mudug. Waxaa loo badinayaa in laga dhigo taliyaha booliiska Somalia.

4- In Puntland, Jubaland iyo Koofur Galbeed taageeraan waqti kororsi laba sano ah oo Madaxweyne Xasan uu doonayo si dalka loo gaarsiiyo doorasho xor ah.

5- In Puntland gacan dhaqaale iyo mid siyaasadeed ka geysato Musharaxnimada Cabdi Kariim Xuseen Guuleed si uu doorashada ugu guuleeysto.

6- In doorashada 2018 Damujadiid taageerto Musharaxa Madaxweynaha ay soo xushaan seddexda maamul (Puntland, Jubaland iyo Koofur Galbeed), iyadoo ballanqaadku yahay iney Ra’isul wasaare siinayaan qof uu keynsanay Xasan Sheekh.

Heshiiskaan ay wada galeen Xasan, Gaas iyo Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ayaa noqonaya mid loogu heshiiyay sidii loo fashilin lahaa maamulka goboladda dhexe waloow dadka badankiis aaminsan yihiin inuu fashilmi doono heshiiskaas hadii Axmed Macalin Fiqi ku guuleeysto doorashadda Madaxtooyada.

Waxaa isweeydiin mudan sababta Cabdiweli Gaas u diidan yahay in la furo Dekadda Hobyo.

Sikastaba ha ahaatee, Dowladda Turkiga Hay’adeeda horumarinta Afrika ee TIKA oo qorsheeyneysay inay bishaan daraasad ama qiimeeyn ku sameeyso Dekadda Hobyo ayuu Madaxweyne Xasan digreeto amar Madaxweyne ku diiday, sida ay xogtan leedahay.