Kenya Oo Qorshe Cagligaagu Diidaayo Uga Hortagaysa Soomaalida… (Damaceeda Yaabka Leh Oo La Ogaaday)

0

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in dowladda Kenya dooneyso iney darbi ku kala jarta soohdita ay la wadaagto Soomaaliya oo ah mid aad u dheer.

Dhismaha darbiga ayaa sida la sheegay laga bilaabayaa degaanka Lamu oo ay horay Alshabaab dad badan oo Kenyan ah ugu laayeen.

Gudoomiyaha deegaanka Lamu, Issa Timamy oo soo xigteen warbaahinta qaar ayaa sheegay in darbigaasi ka hortegi doono iney si fudud ku galaan Kenya dadka socotada ah ee sharci darrada ah.

“Dhismaha darbigaas wuxuu u bilaaban doonaa dhawaan, waxaana rajeneynaa inuu dhamaado ka hor dhamaadka sanadkaan socda” sidaas waxaa yiri Mr Timamy oo ka hadlayey hoolka shirarka Lamu “Faza Social Hall in Lamu”.

Dowladda Kenya ayaa ku fekertay qorshayaal ka gedasan oo lagu sugayo amaanka soohdinta ay la leedahaya Soomaaliya, kadib markii 90 ruux lagu dilay deegaanka Lamu bilihii June & July ee sandkii hore.

C/risaaq IndhaJaceyl

+27783420920