LIVE Muqdisho: Faah Faahin, Madaafiic ku soo dhacaysa agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia.

0

Madaafiic aan la ogeyn halka laga soo riday ayaa abaarihii 12-kii duhurnimo xilliga Muqdisho ku soo dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay madaafiicdaas.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan oo ahaa dhowr xabo oo is xig xigay ay ku dhaceen goob la dhigto Baabuurta oo ku dhow Madaxtooyada, waxaana dhowr gaari oo ku sugnaa halkaas soo gaaray waxyeelo ka kala duwan sida muraayadaha oo ka bur buray.

Goobtan baabuurta la dhigto ayaa ku dhow Safaarada Jabuuti, waxaana gaadiidka la dhigo ay yihiin kuwo loo diido inay galaan Madaxtooyada.

Sidoo kale madfac kale ayaa iyana ku dhacay guri ku yaala Xaafada Ex Fiyoore, gurigaasoo la sheegay inuu degenaa sarkaal ka tirsan dowladda, balse ma jirto wax khasaare oo ka dhashay, marka laga reebo saqafyadii guriga oo bur buray.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’addaha Ammaanka dowladda ee ku aadan madaafiicdan ku soo dhacay xilli dharaar cad ah agagaarka Xarunta madaxtooyada, hase ahaatee Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa durba la arkayay, iyagoo dhaq dhaqaaqyo sameynaya, isla markaana sii xoojinaya ammaanka xarunta.

Madaafiicdan lagu soo tuuray Madaxtooyada ayaa ku soo beegmaya, iyadoo todobaadkii hore weerar ismiidaamin Al-Shabaab ka geysatay Hotel ku yaal Muqdisho ku dishay ilaa sodomeeyo ruux oo mas’uuliyiin iyo dad kale ku jireen, halka tiro ku dhow 50 uu ku jiray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ay ku dhaawacmeen.