Madaxweynaha oo Ka Tacsiyeeyay Geeridda Marxuum Kadare (Warsaxafadeed).

0

 Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ahaa halgamaa taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka galey.

”Innaa Lillahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Aad ban uga naxay geerida marxuum Kadare. Waan hubaa inuu kayd dhaxal gal ah uga tegey shacabka Soomaaliyeed. Kaalintii uu ka qaatey halganka gobanimadoonka, suugaanta iyo gacantii uu ka geystey dadaalkii la doonayey in lagu qoro farta Soomaaliga, waa kuwo mar walba lagu xusi doono diiwaanka dadka naftooda u hurey inay waddankan horumar gaarsiiyaan”.

Marxuum Xuseen Sheekh Axmed Kadare , oo saaka ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa hawlihii u ku caanka ahaa waxaa ka mid ah suugaanta, horumarinta afka Soomaaliga, cilmi baarista dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed iyo weliba nabadeynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Allah uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

DHAMMAAD 
Daud Aweis 
Afhayeenka Madaxtooyada 
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.