Madaxweynaha Puntland oo xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobalka Nugaal

0

Madaxweynaha Dowlada puntland cabdi wali maxamed Cali Gaas ayaa maanta digreeto ku soo magacaabay Gudoomiye cusub Gobolk Nugaal waxaana loo magacaabay Cabdulaahi Ciise Aw-Axmed halka xilka laga qaaday Gudoomiyihii hore ee Gobolka Nugaal C/qani xaashi cali .

Gudoomiyaha Cusub ee xilka loo magacaabay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xilka loo soo magacaabay uuna wax ka qabanayo amaanka Guud ee Gobolka Nugaal .

Magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Nugaal ayaa imaanaysa xili Gudoomiyihii hore ee Gobolkaas safar ugu maqan yahay Dalka Dibadiisa.

Cabdulaahi Ciise Aw-Axmed oo ah gudoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal ayaa xil gobolka Nugaal ka  soo qabtay xiligii dowladii madaxweynihii hore ee Cade muuse .