Maqaal Xiiso Badan: Xisbiyo aan dhul xasiloon haysan iyo xusul duubka 2016ka".

0

Soomaaliya  waxay soo martay marxalado  kala duwaan  xiligii xorriyadda laqaatay ee  laga hoos  baxay mustacmaradii) Reer Galbeedka  waxaa  dalka ka bilowday xulufaysi  iyo xisbiyo doonayey  inay  maamulan maslaxa siyaasadeed markaas oo ummadda Soomaaliyeed ay aad  ugu hamuun qabeen xorriyad iyo hogaamiyayaal Soomaaliyeed  haatana waxaa socota sawir aad ugu og kii 60,kii. waxa  xusul duub  ku jira xisbiyo  aan xaafiiso ka furan karayn dhulka ay rabaan inay xukuman..

 Xiligii  xorriyadda kadib waxaa  bilowday dhaq-dhaqaaq  siyaasadeed iyo samaynta xisbiyo xad- dhaafa  waxaa dalka ka Abuurmay xisbiyo gaaraya 90 xisbi 74 kamida ayaa u tartamay 123, kursi oo barlamaanku ka kobnaa  waxaa xisbiyada  ugu xog badna xisbigii leegada  (SYL) oo ku guulaystay 73 kamida kuraastii loo tartamayey  waxaana la sheega inaysan meesha ka maranayn musuqmaasuq iyo wax is dabamarinta. Sidan ka soo xigtay  Taariikhda Soomaaliya- Somali History 1800-1977 P-1

Hadda  waxaa  Soomaaliya ka socda abaabulka iyo dhismaha  xisbiyo ka asaasmaya  dalka gudihiisa iyo dibadiisa  waxaa  magaaladda  caasimadda ee Soomaaliya ka socda isku xulifaysiga iyo midoga siyaasiin Soomaaliyeed oo miisaan ku leh maslaxa siyaasadeed 16 bishan febaraayo 2015, waxaa  Muqdisho ku midoobay siyaasiin & aqoonyahanno miisaan ku leh milgada siyaasadeed  Soomaaliya..

 Madasha Midnimada iyo Wadatashiga Soomaaliyeed  ayaa dhawaan waxaa looga dhawaaqay  Caasimadda Muqadisho oo ah halka ay ka miisan tahay miisaan siyaasadeedka hadda Soomaaliya  lagu maamulo  waxaana xarumaha   muhiimka ka socda xulufaysiga iyo  xaflado lagu  asaasaayo xisbiyo  aan dal xasiloon haysan..

 Madashaas  waxaa  loo doortey raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Shiikh Axmed,  labadiisa ku xigeen ayaa loo doortey Cabdiraxmaan Baadiyow, oo sanadkii 2012 ka mid ahaa Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaan. Xuseen Carab Ciise oo mar soo noqdey Wasiirka difaca Waxaana xogyaha madaxasha loo doortey Cali Maxamed Maxamuud…

Siyaasiintan iyo aqoonyahannadaan ayaa ah kuwo aad  samayn ugu yelan kara isbadal ka dhaca Soomaaliya xulufadan midobay  waxaa hogaanka u haya ra,iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali sheikh Axmad  oo shacbka Soomaaliyeed ay barteen kadib markii khilaaf soo gala dhex galay madawayne Xasan Shiikh  iyo xertisa ka agdhaw ee  lagu magacaabo damal-jadiid inta badaan shacabiga Soomaaliyeed ayaa aad  ugu sacabo tumaya  hogaamiyaha loo doortay Madasha Midnimada iyo Wadatashiga Soomaaliyeed..

Dhanka kale  waxaa madasha ka dhex muuqda siyaasiin aad  miisan ugu leh  siyaasadda Soomaaliya  xildhibaanno iyo barafasooro Soomaaliyeed  waxaana kamida barafasoor Cabdirahmaan maadiyow barafasoor  Maxamad Cabdi gaandhi.   Xildhibaano aad  uga so horjeeda siyaasadda  madaxwayne  Xasan Shiikh Maxamuud  oo uu hormuud u yahay  Xildhibaan Cabdibare  Yusuf Jabriil Xildhibaan Xusen Carab Ciise  Xildhibaan Maxamad Yusuf iyo  siyaasiinta rug cadaya  aadna uga soo horjeeda siyaasadda madaxwayne  Xasan Shiikh iyo saxiibadiisa loogu magac daray damal –jadii..

Dawladda Soomaaliya   ayaa ah mid  ku tiirsan caalmka haddii ay noqon lahayd  dhanka ciidanka  dhaqaalaha iyo is  garsiinta dhanka socdaalka hogaamiyayaasha Soomaaliya ayaa loogu hanjaba in laga joojin doono dhaqaalaha iyo tageerada beesha caalmka haddii ay ka soo bixi wayaan doorashooyinka riyada ee 2016,ka  waxaa  gadaal ka riixaya beesha caalamka oo siyaasiinta Soomaaliyeed ku Canaanta waa inaad  fulisan ballantii 2016ka in Soomaaliya  laga hirgaliyo doorosho xora    waase  riyo aan xornimo haysan mar haddii amanka Soomaaliya uu yahay  mid an la isku halayn karayn..

Waxaase  is waydiin mudan  Soomaaliya oo 25 sanno  nidaam daro ka jirtay haatana  wili la daalaa dhacaysa amaan xumo dhaqaalo yari iyo musuqmasuq hareyey laammaha hay ‘yaddaha dawligaa sidee 2016,ka  doorasho xora oo xalaala   uga qabsoomi karta?

Waxaa  ilaa hadda la isla  fahmi la ‘yahay nidaamka  xukunka baahsan ama federalismka  waxaa  jira gobolo awood is bidaya  waxaa jira kuwo aan xitaa mamul loo samayn  iyo kala danbayn  waxaa jira  inaan xudduud loo kala yeelin maamuladda hadda dhismay  iyo kuwa  gacanta lagu hayo ee dhismaaya  hadaba sidii  ayey  suura gal ku tahay  wax ka yar hal sanno iyo bar in Soomaliya ayka  qabsoonto doorasho  mawaadin kasta codkiisa dhiibto?.

11,feebaraayo 2015,Barlamaanka  ayaa cod  buuxa ku  ansixiyey guddiga doorashooyinka  madax banana  waxaase   is waydiin mudan guddigaan  xitta  caasimadda Soomaaliya ayeysan nabad ku dhex mari karayn  gobollada Soomaaliya qarkood  xittaa guddigu cag ma dhigi karaan  barlamaanka ansixiyeyna waxay matalayaan 18, Gobol ee Soomaaliya  xaalku ma lafiifiya banan baa?..

Soomaaliya  waxaa  hogaanka u haya  Madaxwayne ka yimid bulshada rayidka oo aan ahayn qurbo jog 10,9, 2012  ayaa loo doortay madaxwayne  Xasan Shiikh Maxamuud  wuxuuna ballan qaaday inuu dalka garsiinaayo doorasho xora  marka la gaaro 2016ka  waxaase  muuqata inaysan  suuragal ahayn in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho..

Dadka sida dhaw  ula socda siyaasadda Soomaaliya   waxay  qiyasaan in madaxwayne  Xasan Shiikh Maxamuud  laga yaabo in xilka loo kordhiyo oo muddo loogu daro  taaso  Shaki galisay  siyaasiinta  isku bahaystay  xisbiyadda hada la asaasaayo   saxiibada  hogaamiyaha Soomaaliya hada talada u haya ayaa lagu xanta  inuu leeyahay  saaxiibo  siyaasad ahaan amin san  urur waynaha IkhwaanulMuslimiin kuna xiran waddamada carabta   waxaa kale oo aad  loo saadaliya in xukunka uu gacanta ugu jiro  siyaasiin Qarsoon oo Madaxwayne Xasan xulufadiisa ka mida  waana mida keentay inay isku biiraan  siyaasiyiin kala afkaar duwan  laakiin ka midaysan inay la loolamaan saxiibada  Madaxwaynaha hadda   talada haya..

Ugu dambayntiina   Soomaaliya  doorasho xora oo  guddoomiyaha barlamaanka  Madaxwaynaha  iyo xubnaha barlamaanka ay soo doortaan  mawaadin kasta oo qaan gaara   waa arrin aad  guul ugu  shacbiga Soomaliyeed  waxaase  ka horaysa  hogaamiyayaasha Soomaaliyeed siday uga dhabayn lahayeen riyadas maanku diidan yahay  xiligaan la jogo..

 

Waxaa  qoray Cabdinuur Faarax Maxamuud

Email – abdinuur02@gmail.com ama guuleed72@hotmail.com