Maqaal:Maxamed Ugaas Xaashi Ma Dhibane Baa Mise Waa Dambiile? Maxayse Adiga Kula Tahay?

0

Afeef: Mareexaan Sade, Alle Subxaanahu Watacaalaa waa uu ciqaabaa Qoowmki aan Run Isu Sheegin Amaba Runta aan ka hadlin , sidoo kalena Alle Subxaanahu Watacaalaa waa uu ciqaabaa qowmkii waxuu ka reebay caadeysta sida, Xanta, Xinka iyo Xasidka (Ninkii Garasho Fog Lehna Waa Garanayaa Nuxurka Qoraalkayga, Kii Aan Fahmina Waxaan Leeyahay Allahaa Waa Alle.

Waxaa isweydiin mudan in dib loo raaco taariikhda islamarkaana dib loo eego nin walbaa waxuu dadka u geystay amaba ka galay ee dambiyo ah.

Hadaan u soo laabto qormadeena cinwaankeedu yahay (Maxamed Ugaas Xaashi Ma Dhibane Baa Mise Waa Dambiile? Maxayse Adiga Kula Tahay?) qof walbaa waa Bari (Dambi Maleh) ilaa ay maxkamadi xukun ku rido haddii ay tahay mid qooys ama mid qaran.

Maxamed Ugaas Xaashi Ma Dhibane Baa Mise Waa Dambiile? Maxayse Adiga Kula Tahay? haddaan shaqsiyan ugu hormaro waxay ila tahay, Maxamed Ugaas Xaashi Waa Dhibane, sababtoo ah.

Waxaa Maxamed Ugaas Xaashi isagoo gurigiisa jooga u tagay kana soo kaxeeyay Ragg islamarkaana ku dhahay Ugaas noqo, anagaa kugu caano shubeynee iyadoo ay wada daawanayaan dhamaan qeybaha bulshada Sade, haddaba soo Maxamed Ugaas Xaashi Dhibane ma,ahan? Maxayse adiga kula tahay?

Raggii Maxamed Ugaas Xaashi dabinka gashay islamarkaana dhex istaajiyay marqaatigana uga dhigay wax alle waxii ceeb ahaa ee dhacayay isagoo sheeganaya Ugaasnimo waa joogaan, weliba Garbhaarey shirkeeda ayay horboodayaan lamana eedeenayo Indha adeegoodana weli dadkey horboodayaan, Maxaa laga rabbaa dhibane Maxamed Ugaas Xaashi ee maa lala xisaabtamo Ragga u maleegay shirqoolka?

Cadaalada waa waxa ugu muhiimsan ee ay bulshadu Horumar ku gaarto Mareexaana Horumar gaari maayo ilaa ay abaaraan Cadaalada islamarkaana ay Dambiileyaasha dhabta ah ee soo maleegay shirqoolka lagu dooxay boqolaalka qof ee u dhashay Beesha Sade ee ha lala xisaabtamo.

Haddii cadaalad la doonayo ama dadka u nasab sheegta beesha Sade lala doonayo Horumar Maxamed Ugaas Xaashi waa dhibane, Dambiileyaasha weli maanta horboodaya beesha Sade ee dambiyada dhiigabadani ku daatay soo maleegay hala maxkamadeeyo ama buruq buruqda cidlada ah ee lagu bar tilmaameedsanayo shaqsiyaadka hala joojiyo.

Maxamed Ugaas Xaashi waxuu dambiile noqonayaa ama noqon lahaa ama xukun qaban lahaa Markii kuwii ka horeeyay ee ay isku doonta saarnaayeen ee Garbahaarey tagay haddii lala xisaabtami lahaa ama la xukumi lahaa markaas ayaa xukun qaban lahaa, balse waa nasiib daro in hadda shaqsi ahaan Maxamed Ugaas Xaashi kaligiis la bartilmaameedsado ama loo faruuryo qaniinsado.

Gabagabada iyo gunaanadkeyga Beesha Sade haddii ay doonayaan Horumar, sadex waxba ha iska daayaan Xanta, Xinka iyo Xasidka, Maxamed Ugaas Xaashina xukun ma qaban karo lamana eedeen karo illaa Raggii soo abaabulay iyo Raggii doonta la saarnaa la eedeeyo ama la maxkamadeeyo ama lala xisaabtamo haddaan ujeedooyin kale lalaheyn. (Qulil Xaqa Faloow Kaana Muran)

Wa Bilaahi Towfiiq

Maxamed Saciid Guuleed
Nairobi, Kenya