Maxaa sababay in Madaxweynaha Puntland uu xilka ka qaado gudoomiyaha gobolka Nugaal 

0

Warar hordhac ah oo soo gaarey ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas xilka ka qaadey gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Bumbe xilli uu wadanka dibadiisa safar ugu maqan yahay.

Gudoomiyaha cusub ee xilka loo magacaabey ayaa magaciisa la yiraahdaa Cabdulahi Ciise Aw-Axmad oo horey xilkaan u hayn jirey dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Cadde Muse Xirsi.

Xilka ka qaadistaan ayaa timid xilli maalmihii lasoo dhaafey muran xoogan ka jirey maamulka gobolka Nugaal kadib marii Gudoomiye Buumbe iyo ku-xigeenada halka cabshooyin ba’an ka yimaadeen qaybo kala duwan oo ka tirsan bulshada dagan gobolka Nugaal sida wararka lagu helayo.

Gudoomiyaha xilka laga qaadey ayaa kamid ah dadkii olalaha doorashda kala shaqeeyey Cabdiweli Cali Gaas markii uu u tartamayey xilkaan madaxweynaha Puntland.

Cabdiqani Cali Xaashi