Maxaad Kala Socotaa Ciidamadda Loogu Talagalay Boko Xaram.

0

Ururka Midowga Afrika ayaa u diraya ciidamo gaaraya 7,500 oo askari dalka Nigeria si ay ula dagaalamaan ururka Boko Haram.

Kulanka madaxda wadamada ku jira Ururka Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lagu go’aamiyay in shan dal oo ka socda Galbeedka Afrika ay ka qeybqaataan dagaalka ay ciidamada Nigeria kula jiraan ururka Boko Haram Waqooyi Galbeed dalka Nigera.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo u ciidamadan ka socda Midowga Afrika ee la geynayo dalka Nigeria. Ururka Boko Haram ayaa kordhiyay weerarada uu ka geysanyo dalka Nigeria iyadoo dalka Nigeria ay ka socoto u diyaargarowga doorashada madaxtinimoda eek a dhacaysa 14ka bishan Febraayo.

Wadamo badan oo caalamka ah ayaa hore u sheegay in ay taageerayaan sidii ciidamo caalami ah loogu diri lahaa dalka Nigeria, wadamadaa ayaa waxaa ka mid ah dalka Iran iyo dowlada Maraykanka.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada dowlada Iran Hossein Amir Abdollahian ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in haddii si wadajir ah ay wadamada ku yaal Galbeedka Afrika ula dagaalmaan ururka Boko Haram laga gaari karo guul.