Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Dr.Xuseen Sheekh Axmed Kadare.

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay gaaridii naxdinta lahayd ee ku timid allah ha u naxariistee marxuum Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuna eebe uga rajeeyay in uu ka waraabiyo naxariistiisa janno.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ahaa shaqsi door muuqda kasoo qaatay qoraalka afka Soomaaliya.

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda Soomaaliya,waxan alle uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo Marxuum Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo wax badan ay ku xasuustaan dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo sii hadlaya waxaa uu sheegay in Dr. Kadare lagu xasuusan doono qoristii afka Somaaliga, suugaanta iyo halgankii xornimo doonka.

—-DHAMMAAD—-

Waaxda Isgaarsiinta iyo Warfaafinta 
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 
Email: media@opm.gov.so 
Twitter: @SomaliPM, @axmednuur