R/W SAACIDOOW Laguu Darsay ! (100 Cisho Oo 60 Isbaaro Looga Qaaday XAMAR).

0

QORMO XAQIIQDA IFINAYSA Q/2aad (Allgalgaduud.com) – Iyadoo intiinii la socotayba qormadeenii hore ee cinwaankeedu ahaa (R/W SAACIDOOW Laguu Darsay !) aynu ku faaqidnay waxqabadkii taariikhiga ahaa ee R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu dadka iyo dalka Soomaaliyeedba usoo qabtay mudadii uu xilka Madaxtinimada dalka hayey, ayaa waxaynu sii ambaqaadaynaa Qeybtii 2aad ee Qormadayada.

Ma yara mana ahan arrin xog ururin ama qoraal lagusoo koobi karo waxqabadkii R/wasaare Saacid iyo Xukuumaddiisa ay mudadii yareyd ee ay jirtay ku kasbadeen kalsoonida shacabka, waxaana xusid mudan oo aan marnaba maanka Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ka suuli doonin in markii la magacaabay R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu dhexda u xirtay samata-bixinta iyo wax u qabashada bulshada si ay uga nastaan arrimo aydin ku ah oo cunaha u fariistay tan iyo xilligii Dagaaladii sokeeye ee dalka 1991-kii.

Hadaba Warbaahinta Allgalgaduud Media, oo rayi’ururin dal iyo dibadba leh ku samaysay Siyaasiyiin qaarkood Dowladda Somalia xilal ka haya, aqoon yahano iyo dad bulshada magac ku dhex lehba waxa ay ogaatay oo ay xaqiijiyeen in loo darsaday Saacid iyo Xukuumaddiisii, waxayna ku amaaneen in maalmo yar gudahood ay wax badan ku qabteen.

saacid
Raiisul Wasaarihi Hore Ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)

“Waxqabadkii Saacid waxaa ugu muhiimsanaa in markii ay 100 Cisho oo qura ay jirtay Xukuumadiisa inuu ku guulaystay si geesinimo leh in 60 ISBAARO oo Muqdisho tiilay laga dul-qaado shacabka Soomaaliyeed” taasi oo sii kordhisay kalsoonida shacabka maskaxdooda ilaa iyo iminka ka guuri la’ ee ay u qaadeen R/wasaare Saacid.

“Kheyr allaha siiyo, wuxuu naga hor wareejiyey kuwii caanaha aan ilmaheena siisano ee Gawaarida Caanaha iyo khudaarta sida Koontoroolada Xamar u istaagi jiray” ayey tiri

WARGELIN : Qodobo kale oo xasaasi ah oo aan siyaasiyiin caan ah kala sheekaysanay ayaa inoosoo socda hadduu ALLAHA awoodda lihi qadaro.

Lasoco Qeybta 3aad ee Qormadeena R/W SAACIDOOW Laguu Darsay !