(sawiro) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Madaxa tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya.‏

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jeneraal Massimo Mingiardi.

Ayaa uga mahadceliyay kaalmooyin dowladda Talyaaniga ay siisay shacabka, kuwaasi oo isugu jirta qalabeynta Waaxda Dabdamiska ee dowladda Hoose, daawooyin la gaarsiisay degmooyinka Boondheere, Kaaraan, Xamarweyne, C/casiis iyo kuwa kale.

Guddoomiye Muungaab ayaa tilmaamay in sidoo kale ay deeq isugu jirta dhar, maacuun iyo haamanka biyaha lagu shubto ay gaarsiiyeen qoysas danyar oo ku nool Muqdisho, kuwaasi oo uu guddoomiyuhu xusay inay ku soo beegantahay xilli ay u baahnaayeen.

Madaxa Tababarka ee Midowga Yurub ee Soomaaliya Jeneraal Massimo Mingiardi ayaa ugu horeyn tacsi soo gaarsiiyey Maamulka Gobolka Banaadir geeridii ku timid gudoomiye ku-xigeenkii Gobolka Marxuum Maxamed Aadan Guuled “Caanageel” oo ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay Hotelka Central, waxaana uu intaa ku daray in dowladda Talyaaniga ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gabo gabadii kulanka ka hadlay ayaa ka codsaday in la xoojiyo xiriirka labada dal ka dhexeeya, ayna kordhiyaan taageerada ay dowladda Talyaaniga siineyso Soomaaliya.

moneou (2)moneou (3)moneou (4)moneou (5)