(Sawirro) Dibadbax looga horjeedo xayiraadda xawaladaha Mareykanka oo Muqdisho ka dhacay.

0

Dibad baxan maanta lagu qabtay fagaaraha Taallada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururada bulshada Rayidka ee gobolka Banaadir, Midowga Ardayda Soomaaliyeed iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana ka qeyb galay boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka.

Dadweynaha ka qeybgalay banaanbaxan ayaa waxaa ay wateen boorar ay ku xardhanaayeen erayo ay uga soo horjeedaan talaalabada dowladda Mareykanku ay ku joojisay xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgali jirey gobolada kala duwan ee dalkaasi.

Guddoomiyaha maamulka degmada Boodheere oo boqolaalkii dadweynaha ahaa kula hadlay goobta dibadbaxa uu ka dhacay ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan joojinta shirkadaha xaawaladaha Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay.

Ugu dambeyntii Cabdi Abshir Dhoore oo ah Agaasimaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha ayaa goobta ka akhriyay qoraal  dowladda Mareykanka lagaga dalbanaayo in ay xawaaladaha Soomaalida mar kale u ogolaato in ay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha wadanka isla markaana noloshoodu ku tiirsaneyd lacagaha laga soo diro dalka dibadiisa gaar ahaan Mareykanka.

Tan iyo markii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday in la joojiyo xawaaladaha ayaa waxaa isa sii taraya qeylo dhaanta ka soo yeeraysa dalka iyo dibadiisa taas oo ku aadan dhibaatada ka dhalan karta talaabada dowladda Mareykanka ay ku joojisay lacagaha Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka ay u soo diraan eheladooda ku nool geeska Afrika.

Hoos Ka Daawo Sawiradda:

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????