(Sawirro) Faransiiska Oo Ka Cabsi Qaba All-shabaab.

0

Ammaanka labo xarumo ganacsi ee ugu weyn Faransiiska ayaa aad loo adkeeyay, kadib markii magacyadooda ay ka soo muuqdeen Muuqaal ay Sabtidii baahiyeen Al-Shabaab oo ku baaqayay in la weeraro goobaha laga dukaameysto ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika in la weeraro.

Warbaahinta Faransiiska ayaa si aad ah uga faaloonayay xaalada ammaanka labada xarumood ee ka soo muuqday muuqaalkii ay soo bandhigeen Al-Shabaab, kuwaasoo kala ahaa xarumaha ganaci ee Le Forum des Halles iyo Les Quatre Temps oo ku yaal magaalada Paris.

Ciidamo Boolis ah ayaa lagu arkayay labada xarumo ee kala ah Le Forum des Halles iyo Les Quatre Temps, iyadoo tani jawaab u aheyd hanjabaada Al-Shabaab.

Inkastoo aan si rasmi ah loo soo hadal qaadin, hadana magacyada xarumahan ganacsi ayaa ka muuqday dhabarka dambe nin wajiga u xirnaa oo soo hadal qaadayay in la weeraro xarumaha Ganacsi ay leeyihiin Yuhuuda iyo Mareykanka.

Faransiiska ayaa tan iyo markii uu dhacay weerarkii bishii Janaayo ee lagu qaaday xarunta wargeyska ee Charlie Hebdo iyo xarun laga dukaameysto oo ay Yuhuuda lahaayeen waxaa uu feejignaan dheeri ah geliyay ciidamadiisa kala duwan.

Ilaa 17 ruux ayaa ku dhintay weerar ay sheegatay Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ee dalka yemen iyo weerar kale oo ka dhacay xarun Ganacsi, iyadoo weeraradan ay keeneen in Faransiiska uu sare u qaado ammaanka dalkiisa.

Hoos ka dawo sawiradda:

shoping-France-1 shoping-France-2 shoping-France-3