(Sawirro) Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Booqasho Ku Jooga Dalka Jarmalka.

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa booqasho ku jooga magaalada Heidelberg ee dalka Jarmalka oo xarun u ah hay’adda MAX PLANCK FOUNDATION oo Baarlamaanka Soomaaliya ka taageerta dhinacyada sharci-dejinta, dib-u-eegista dastuurka iyo dib u dhiska hay’adaha madaxa bannaan sida Golaha Adeegga Garsoorka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka iyo diyaarinta sharciga Maxkamadda Dastuurka .

Wafdiga Guddoomiyaha waxay manta kulammo la galeen kooxaha khubarrada sharci-yaqaannada ah ee ka hawlgala xarunta weyn ee MAX PLANCK FOUNDATION ee HEIDELBERG ee dalka Jarmalka waxaana kulankaasi uu ku saabsanaa sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha ka harsan dib u eegista Dastuurka iyo dhismaha hay’adaha madaxa bannaan si loo gaaro halka la hiigsanayo sanadka 2016ka iyo sidii loo sii ballaarin lahaa wada shaqeynta Golaha Shacabka iyo Hay’addan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa ay u sii gudbi doonaan magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka halkaasi oo ay kula kulmi doonaan Guddoonka Baarlamaanka dalka Jarmalka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Hoos ka daawo sawiradda:

P1010179

P1010186

P1010195

P1010209

P1010213

P1010214

P1010217

P1010221